Baarlamaanka Puthland Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Muddo Kordhintii Xukuumada Madaxweyne Farmaajo.

0

Garoowe(HNN):-Baarlamaanka Maamulka  Puntland ayaa qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DF Soomaaliya Soomaaliya, Baarlamaanka Puntland ayaa go’aankan ku gaadhay ka dib kulan ay warbixin uga dhegaysteen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka Golaha Wakiilada oo uu Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana kulanka soo xaadiray 52 Mudane .

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday, 49 Mudane ayaa u codeeyay, 1 Mudane ayaa diiday, 2Mudane ayaa ka aamusay.

Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha Puntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan  iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadaba maxaa dhexmaray Madaxwaynaha Puntland iyo Baarlamaanka Puntland, Muxuu uga hadlay Khudbadii uu Baarlamaanka u jeediyey ?