Ra’iisul wasaare Rooble oo kusii jeedda Jabuuti+ujeedada Safarkiisa.

0

Muqdisho(HNN):-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kusii jeedda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Caleema saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan dib loo doortay.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii ay dawlada Somalia ay eedaymo culus dusha ka saartay dalka djibouti oo ay ku sheegtay inay cadaw ku tahay Dhismaha qaran soomaaliyeed.

Waxaana isbedelka arrintaasi ku yimid la odhan karaa waa mid ay sabab u tahay isbedelka dhinaca maamulka oo hadda uu yahay wakhtiga doorasho gaadhsiinta raysalwasaare Rooble Masuulka dhinaca ugu sareeya ee Talada dalka.