Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl Oo Soosaaray Jadwalka Maalaha Ololaha Xisbiyada.

0

Hargeisa(HNN):-Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa maanta soo saaray Jadwalka Ololaha Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka oo lagu soo koobay muddo lix maalmood ah, iyadoo saddexda xisbi Qaran mid kastaba loo asteeyey laba maalmood inuu ololahiisa qabsado.

Wareegto maanta ka soo baxday KDQ oo sumaddeedu tahay KDQ/XK/104/2021 laguna socodsiiyey saddexda xisbi Qaran ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu asteeyey maalmaha ololaha ee xisbiyadu ka duulayo qoddobbada ku xusan Xeerka Doorashada iyo Diiwaangelinta Xeer Lr. 91/2020 iyo go’aamo layskula qaatay kulan Wada-tashi oo madaxtooyada ku dhexmaray Axsaabta Qaranka 12-kii bishan May.

Ololaha Doorashada ayaa bilaabmi doona 23-ka May oo ku beegan maalinta Axadda ilaa 28-ka May oo ku beegan saddex maalmood ka hor maalinta doorashada, waxa xisbi walba loo asteeyey laba maalmood oo kala ah maalinta Isu-soo-baxa fagaarayaasha iyo maalin loo asteeyey isu-soo-bax ku kooban xafiisyada xisbiga iyo Murashaxiinta.

Wareegtada ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, waxa xisbiyada Qaranka loogu jeediyey in xisbi waliba maalinta loo asteeyey qabsado ololahiisa oo aan astaantiisa lagu dhex arag maalinta ay ololaha u leeyihiin xisbiyada kale.

Wareegtada oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac, kun taariikheysan 22 May, ayaa u qoran sidan:-

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaag News