Maroodijeex-Musharax Maxamed C/laahi Bookh Oo Xafiisyadii ugu Tirada Badnaa Ka Furtay Degmooyinka Caasimada.

0

Hargeisa(HNN):-Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Kamid ah Musharixiinta Usharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Mucaaridka ee Wadani ayaa maanta galinkii Danbe Ilaa Caawa fiidkii Xadhiga Ka Jaray Inka Badan 21 Xafiis Oo Uu Ku Yeelan Doono Degmooyinka Caasimada Hargaysa. Musharax Bookh Oo Ay Weheliyaan Cuqaasha, Waxgaradka iyo Haldoorka beesha uu kasoo jeeda ayaa xadhig ka jirda xafiisyada kala kulmay soo dhawayn qiimo leh oo ay ku qaabileen Boqolaal kamid ah bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Hargaysa Degmooyinka iyo xafadaha uu Musharax boojh ka furtay xafiisyada ayaa kala ah Degmada koodbuur, xaafadaha Xero Awr, sheedaha, magaalo biixi, State house iyo goobo kale Sidoo kale xafiisyada uu musharax bookh xadhiga ka jaray ee degmada 26juun ayaa kala xaafadaha goljano,sheekh nuur, kililka, Xawaadle iyo goobo kale.

Sidoo kale Qaarkamid ah taageerayaasha musharaxa golaha wakiilada Maxamed Cabdilaahi Bookh iyo waxgaradka Weheliyay ayaa sheegay in ay la barbar taagan yihiin taageero, cod iyo cududbale Dhanka kale musharax bookh oo hadalo ka jeediyay xadhig ka jarista xafiisyada uu ka furtay magaalada hargaysa ayaa bulshada kula dardaarmay in ay nabad galyada ilaaliyaan islamarkaana ay maalinta 31may ee codbixinta ay codkooda ku hubsadaan caalamadiisa oo ah Bakoorada Ugu danbay Musharax Bookh ayaa sheegay in uu isagu matalayo dhalinyarada oo bulshada ka ah 70% kana shaqayn doono sidii ay Uheli lahaayeen baahiyahooga islamarkaana uu Noqon doono xildhibaan dhab umatala.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN