Kuuriyada Woqooyi Oo Amaro Yaableh Ku Soo Rogtay Shacabka Dadkeeda.

0

Seaul(HNN):-Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan soo saartay xeerar looga hortaggayo saameynta dhaqamada shisheeye- gaar ahaan in la ciqaabo qof kasta oo lagu helo in isago daawanaya aflaanta shisheeye ama sawaariisha Jeans-ka iyo adeegsiga af-suuqa, hadda maxay tahay sababta?

Yoon Mi-so waxay sheegtay in markii 11 aheyd ay aragtay qofkii ugu horreeyay la dal-dalay kadib markii lagu helay isaga oo daawanayaa riwaayadaha Kuuriyada Koonfureed.
Waxay sheegtay in dadkii deriska la ahaa qofkaas la dal-dalay lagu khasbay inay daawadaan riwayaddaas.

“Haddii aad daawan waaysaan, waxaa la idin kuugu tirinayaa in aad gasheen khiyaano qaran” ayay tiri Yoon Mi-so oo ku sugan Seoul xilli ay la hadleysay warbaahinta.