Xukuumadda Somaliland oo Laydh ku xidhaysa Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Studuim.

0

Hargeisa(HNN):-Xukuumadda Somaliland oo laydh ku xidhaysa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Studuim, kaas oo aan hore u layn laydh sahlayey in habeenkii lagu ciyaaro.

Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa shaacisay tartan loo gelinayo laydh ku xidhista Garoonka, waxaanu war gelin ka soo baxday xafiiska guddida Qandaraasyada oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Hadhwadaag News ayaa u dhignayd sidan.

“Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ku wargalinayaa Shirkadaha ka shaqeeya Laydhka iyo  Ganacsata ka shaqaysa Hawlaha laydhka galinta iyo cidkasta oo danaynaysa u soo ban dhigayaan Laydh laygu xidhi doono Stadium Hargeysa (Iftiiminta Garoonka kubada cagta Hargeysa)”

No photo description available.