Natiijada Doorashada Baarlamaanka Ethiopia oo la shaaciyey.

0

Addis(HNN):-Guddiga doorashooyinka Itoobiya, ayaa Sabtida maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee doorashada Baarlamaanka oo 21-ka bishii June ee sannadkan ka dhacday dalkaas.

Guddigu waxa ay sheegeen in xisbiga talada dalkaas haya ee EPP uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 kuraasta baarlamaanka ee la shaaciyey.

Ku-dhawaad 100 degmo-doorasho ayaanay wali wax doorasho ahi ka dhicin dalka Ethiopia sababo la xidhiidha xaalado ammaan-darro iyo arrimo kale oo siyaasi ah.

Gobolka Tigray oo ay dagaallo ka socdaan ayaa ka mid yahay deegaannada aanay doorashadu ka dhicin, halka Dowlad-deegaannada Soomaalida iyo Hereriyiinta  doorashadooda dib loogu dhigay 6-da bisha September 2021 oo loo muddeeyey.

Xisbiga uu hoggaamiyeo Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayaa u baahnaa inuu helo 174 kursisi uu doorashada ugu guuleysto, balse waxa muuqata inuu xisbigu ku guulaystay kuraas xad-dhaaf ah.

Bishii June ee sannadkan 2021 oo doorashadu ka dhacday dalka Ethiopia, waxa ka horeeyey oo xaaladda dalkaas murgiyey dagaal siddeed bilood ka socday gobolka Tigray, halka gobolka Oromada laga soo sheegay inay ka dhaceen xad-gudubyo baahsan,

Laba ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ugu awoodda badan dalkaas, ayaa gebi ahaanba qaaddacay inay doorashada ka qayb-qaataan, taasina waxa ay sababtay ama fursad u siiyey xisbiga talada dalka Ethiopia haya inuu ku guulaysto doorashadan in la shaaciyey.

Bisha Sagaalaad ee sannadkan, ayaa la filayaa inay doorashadu ka dhacdo dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Ismaamulka Harariyiinta ee Bariga dalka dalkaas.