“Xeerbaa laga soo saaraya Qofkii lagu arko Calan Soomaaliya”Faysal Cali Warabe.

0

Borama(HNN):-Guddoomiyaha xisbiga  UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa casuumad u sameeyay dhallinyarada hindistay halku dhaga “kani waa calankaygii’

Dhalinyaradan oo ka soo jeeda magaalada Boorama ayaa bilabay halku dhaga “kani waa kaygii” oo ay ku sheegayeen in ay leeyihiin calanka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo saraakiil ka tirsan xibigiisa ayaa dhallinyaradan ku booqday magaalada Boorama ee xaurnta gobolka Awdal.

Faysal ayaa dhalinyarada ku booriyay barnaamijka “kan waa kayga” oo Somaliland oo dhan ku baahay.

“Wixi aad bilowdeen Somaliland oo dhan buu saameeyay, taasi ayaa na soo laab kicisay anagana.

Arrintani waxay ku tusaysa in haddii dadku wax wanaagsan keenaan ay samayn yeelanayso”Ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sharci laga soo saari doono qofka lagu arko calanka Soomaaliya.”Xeer baa laga soo saaraya, qofkii lagu arko isaga oo xidhan calan Soomaaliya, waa dambi wayn, qofkii dadka isku dirayana sharci ayaa laga soo saari doonaa”

Barnaamijka “kani waa kaygi” oo ay hindiseen dhalinyaro reer Borama ah, ayaa samayn ku yeeshay gudaha Somaliland.