Maxaa la isku afgartay kulankii R/W Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?.

0

Muqdisho(HNN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale xafiiskiisa ku wada qaabilay guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay ula kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ka sugaayey inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee salka ku haya doorashada kuraas gobollada waqooyi ee BFS.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa kala hoggaaminaya laba garab oo ay u  kala jabeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, waxuuna haatan khilaafka ugu adag ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga 11-ka xubnood ah oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalkaan  ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sida lagu sheegay qoraalka Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo fursad hal maalin ah, si khilaafkooda ay u soo afjaraan labada garab oo ay kala hoggaanimayaan isaga iyo Mahdi Guuleed, iyadoo dalabkaasna uu ka aqbalay Rooble.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan siyaasiyiinta ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, maadaama ay horay u soo kala magacaabeen xubnahaan, waxuuna garab kasta sameystay guddoon u gaar ah.

Todoba xubnood oo guddigaas ka mid ah, kuwaas oo afar uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, seddaxna Rooble ayaa bilaabay doorasho hal dhinac ah, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye iyo ku xigeen, sidoo kale afartii kale ee uu soo magacaabay ayaa Cabdi Xaashi ayaa dhankooda iska dhex doortay guddoon, waxaana cirka isku shareeray khilaafka labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi.