Janankii Ciidamada Canfarta Oo Ku Biiray Maleeshiyaadka TPLF Tigray ee Dagaalka ka Wadda Itoobiya.

0

Addisababa(HNN):-Dagaalka bilihii ugu danbeeyey ka socoday dalka itoobiya oo maraya meel xasaasiya ayaa waxa jira dhacdooyin ku cusub oo soo baxaya maalmihii ugu danbeeyey.

Waxaana wararka hadda soo baxayaa xaqiijiyeen in janankii ciidamada qoomiyada canfarta ee dalka itoobiya uu ku biiray ciidamada TPLF oo ah qoomiyada bilihii ugu danbeeyey ka wada dagaalka dalka itoobiya, waxaana tigray oo ah jabhado taabacsan Tplf ay weeraro khasaare badan gaystay ku qaadeen qoomiyadaha kale ee axmaarada.

Waxaana dagaalka itoobiya hadda noqoday mid ku sii fidaya guud ahaan gobolada iyo deegaanada dalka itoobiya, iyadoo maalintii doraad ay dawalada federaalka itoobiya sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadin la dhex dhigo iyaga iyo kooxaha kasoo horjeeda ee ay hogaaminayaan maleeshiyaadka TPLF.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi.