Astaamo lagu ogaado in taleefanka aad ku hadlayso la dhegeysanayo

0

Cilmi Baadhisaha Hadhwadaagnews-

Tignoloojiyada faa’ido badan ayay leedahay dhibna way wadataa haddaba waxaan halkaan kuu sheegaynaa dhibkeeda  mid ka mid ah, kaasoo ah in taleefankaaga la dhegeysto ama sawirdada laga baxsado iyadoo la adeegsanyo virus spy ah

Lix calaamo ayaa tusinaya haddii la wada helo in taleefankaaga la dhegeysnayo marka aad dadka la hadlaysid lixdaas waa sidan :

1- tashwiish iyo buuq ayaad ka dareemaysaa marka aad ku hadlaysid isagoo taleefankaaga uuna ahayn mid halaysan.

2- haddaad u dhoweyso taleefankaaga qalab kale sida TV ama Raido adigoo ku hadlaya oo tashwiishka aad dareento waa lagu dhagysanayaa.

3- Dhegeyso taleefankaaga adoon ku hadlaynin haddii cod aad ka maqasho waxaa lagu tiryaa in lagula socdo

4- iska hubi batariyada mobilkaaga adoon adeegsanaynin haddii ay kululaato waxaa kululeeyay Barnaamig jaajuus ah oo shaqaynaya oo taleefankaaga ku dhex qarsoon.

5- isku day inaad damiso taleefanka haddii uu dami waayo oo uu ku diido waa la dhihi karaa waa lagula socdaa.

6- iska hubu masajyada haddii aad aragto masaj oo qofka soo diray la garanaynin waa khatar astaan waxay u tahay in lagu jaajuusayo