Maxkamad Milateri Oo Musharax U Tartamaya Madaxweynaha Dawlad Ku Riday Xukun Dil Ah.

0

Nairobi(HNN):-Maxkamad Militari oo ku taalla Magaalada Misrata ee dalka Liibiya ayaa xukun dil ah ku riday Gen. Khaliifa Xaftar oo isku soo sharaxay in uu noqdo Madaxweynaha dalka Liibiya doorashada bisha soo socota dhaceysa.

KhalIifa Xaftan ayaa xukunkan ay maxkamada ku riday laga cabsi qabaa in ay saameyn xoogan ku yeelato ololaha dooarAsho uu wado kuna doonayo in uu ku noqdo Madaxweynaha dalka Liibiya.

Maxkamada xukunka dilka ah ku riday KhaliIfa Xaftar ayaa ku eedeesay in uu tacadi geestay uuna bixiyay amar ciidamadiisa ku duqeeyeen labo sano kahor xarunta Ciidanka Cirka Liibiya.

Warbaahinta dalka Liibiya ayaa baahiyay in maxkamada xukunkan dilka ah ku riday Jen Khaliifa Xaftar booliiska ka dalbatay in ay soo xiraan Xaftar oo loo heesto dambiyo dagaal iyo tacadiyo.

Jen. Xaftar ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Liibiya, waxaana suurtio gal ah in guddiga doorashada ka saaraan liiska Musharaxiinta tartameysa kadib xukunkan maxkamadeed.