Sirdoonka Pakistan: Maxay tahay doodda qabsatay hadal heynta shacabka?.

0

Maalmo badan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta waddanka Pakistan ka socda dood ku saabsan in saraakiisha hoggaamiya hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI aqoonsigooda la shaaciyo iyo in kale.

Fikrado kala duwan ayay dadku ka qabaan in madaxa sirdoonka uu si toos ah ula hadli karo warbaahinta la iska arko iyo in sawirradiisa lagu soo bandhigi karo baraha bulshada.

Dooddan waxa ay billaabatay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya madaxa hay’adda sirdoonka ISI ee hadda xilka haya, Nadeem Anjum, uu diiday in uu sawirradiisa ama muuqaalladiisa siiyo mas’uuliyiinta ay khuseyso, warbaahinta ama inuu ku bixiyo qaab kale oo isgaarsiineed oo ay shacabka ku arki karaan.

Dhawaan waxa uu Janaraal Nadeem Anjum ka qayb galay dhowr shir oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Imran Khan, balse muuqaal iyo sawirro toona lagama soo saarin kulamadaas.

Taliyahan ayaa ka dabeecad duwan ninkii uga horreeyay kursiga ee uu kala wareegay booska, oo lagu magacaabo Janaraal Faiz Hameed.

Pakistan

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Si ka duwan Nadeem Anjum, Janaraal Hameed waxa uu ahaa nin ay si weyn u weji karanayaan shacabka oo laga hayay sawirro iyo muuqaallo lagu shaaciyay baraha bulshada iyo warbaahinta intii uu ahaa Agaasimaha Guud ee hay’adda ISI.

Arrin hadda ka hor ka dhacday UK

Hay’adaha sirdoonka ayaa lagu yaqaannaa inay dhaqan u leeyihiin qarinta aqoonsiga saraakiishooda, taasoo ka mid ah xeerarka ay ku dhisan yihiin.

Bishii July ee sanadkii 2009-kii, waxaa jirtay caro ka dhalatay waddanka Britain markii haweeney lagu magacaabo Shelley Sawers ay Facebook ku shaacisay sawirrada ninkeeda iyo carruurteeda oo ku damaashaadaya xeebta. Saaxiibbadeed iyo qaraabadeeda ayaa billaabay inay faallo ka bixiyaan sawirradaas. Mid ka mid ah ehelada ayaa sawirka seygeeda kusoo dul qoray, ‘Hambalyo adeer C.’

Wax yar kaddib, Sirdoonka Britain ayaa soo farogeliyay, sawirrada kaliyana ma aysan tirine waxay gebi ahaanba baabi’iyeen ciwaankii sawirradaas lagu shaaciyay.

Sawirradaas waxay ahaayeen kuwo muujinaya Sir John Sawers iyo qoyskiisa.

Sir John waxa uu madaxa MI6 ayaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2014

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,Sir John waxa uu madaxa MI6 ayaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2014

Maalmo uun ka hor inta aan Facebook lasoo dhigin sawirrada, Sir John Sawers waxaa loo magacaabay inuu noqdo madaxa hay’adda sirdoonka Britain ee magaceeda loo soo gaabiyo MI6.

Taliyaha Laanta Sirdoonka Britain ee MI6 waxaa loogu yeeraa una qoran magaca afgarashada ee “C” kaasoo loo adeegsado booska magaciisa dhabta ah.

Sir John Sawers marka jagadaas loo magacaabayay waxa uu ahaa dan jiraha UK u qaabilsan Qaramada Midoobay. Balse maadaama loo baddalay MI6, sawirradiisa oo dibadda lasoo dhigo waxaa loo arkayay ‘khatar amni’ in baraha bulshada lasoo geliyo sawirradiisa iyo kuwa qoyskiisana waa la cambaareynayay.

Dhaleeceynta la xiriirta soo bandhigista sawirrada waxay gaartay ilaa heer ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Shaqaalaha dowladda ku boorriyaan inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ku xulatay Sir John Sawers inuu noqdo madaxa MI6.

Hase yeeshee, wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaas ay lahayd Britain, David Miliband ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in dhacdadaas aysan wax halis ah ku ahayn shaqada Sir John Sawers.

Waxa uu isla sanadkaas noqday taliyihii 15-aad ee ay yeelato hay’adda sirdoonka. Hal sano kaddib, bishii October ee 2010-kii, waxa uu khudbad u jeediyay shacabka. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee taariikhda lagu arko madaxa hay’adda MI6 oo khudbad u jeedinaya dadweynaha.

Tobannaan sano ka hor unbaa si rasmi ah loo shaaciyay jiritaanka hay’adda sirdoonka ee dalkaas.