“Hadii Uu Madaxwaynuhu Doonayo In Doorashada Ururada Uu Kasoo Horaysiiyo Ta Madaxtooyada, Marka Hore Muddo Kordhin Shan Farood Iyo Calaacal Ah Ha Samaysto”Cali Guray.

0

“Waar Doorashadeeda Mooye Tan Malaha Wax Kalaaba Ka soo Dhega Wayn, Allah Ha Inooga Sahlo Eh”Cali Guay.

‘“Hadii Uu Madaxwaynuhu  Doonayo In Doorashada Ururada Uu Kasoo Horaysiiyo Ta Madaxtooyada, Marka Hore Muddo Kordhin Shan Farood Iyo Calaacal Ah Ha Samaysto”Cali Guray.

Hadii Uu Madaxwaynuhu  Doonayo In Doorashada Ururada Uu Kasoo Horaysiiyo Ta Madaxtooyada , oo dabcan sharci darro uu u badheedhayo ah, horta marka hore muddo kordhin shan Farood iyo calaacal ah oo qasab ah ha samaysto si ta madaxtooyadu meesha uga baxdo, waana inta loo socdo eh.

 

Hadii doorashadii Komishanku waday ee la isla wada ogolaa ilaa qaadhaan bixiyayaashii uu isagu waydiistay in ay ka caawiyaan ee ka ogolaaday uu meesha ka saaro tu aan la isla ogolayn oo midi roor ah ma qaban karaa ka hor dhamaadka sanadka. U malay maayo eh saw halkaa waxa ka soo muuqdaa dhamaadkii Doorashooyinka Somaliland uun maaha? Oo isagu ma dan buu ka leeyahay saw kursiga iskaga fadhi uun maaha. Waaba tii uu weligiiba doonayay hadii ay u marto.KKKKKKK oo yaa wax ka qaadi kara, saw ciidamada isagu ma laha oo ciddii far qaada qoorta soo qabta uun maaha?

U qaata in aan iska ciyaarayo bishuse hortiina way iman hadii sharcigu saraynta yeelan waayo ee Madaxwaynuhu yeesho eh iska suga Muuse aqoon baydaan ahayne.

WAXA QORAY; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray”