Wasiirka Biyaha oo Digniin u Diray Hay’addaha mar uu Hortagay Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida.

0

Hargeisa(HNN):-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xarunta golahaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddidaasi mudane Dayib Xasan Axmed.

Guddoomiyaha iyo guddida ayaa wasiirka uga mahad celiyay sida uu u soo ajaabiibay yeedhmadii guddida.

Wasiirka biyaha Somaliland ayaa ka digay ceelasha ay bilaha qorshaha ku qodayaan hay’adduhu, isaga oo sheegay in ay tahay dan gaar ah oo ay leeyihiin cidda wax loo soo dhiiba.

Waxa uu sheegay in sannadkan la kordhiyay miisaaniyada wasaaradda biyaha, si loo daboolo baahida biyood ee dalka ka jirta.

Dhanka kale waxa uu wasiirku mid mid uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen mudanayaasha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.

Halkan ka Daawo