Boqolaal Kamida Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan oo Ka Qayb Galay Aaska Marxuum Cheif Caaqil Cabdi Aw Cumar.

0

Gabiley(HNN):-Waxaa Maanta galinkii hore aas qaran loogu sameeyey xabaalaha magaalada Gabiley alle haw naxariistee Cheif Caaqil Cabdisamed Aw Cumar Warsame oo kamid ahaa waxgaradka iyo haldoorka madax dhaqameedka somaliland gaar ahaan gobolka gabiley,

Tacsida marxuumka ayaa hoyga uu ka deganaa magaalada gabiley waxaa tacsi ugu tagay marxuumka walaalkii masuuliyiin kala duwan oo isugu jira siyaasiyiinta, wasiirkii hore arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland, madax dhaqameed siyaasiyiin xildhibaano hore kuwa hadda xilka haya, maamulka gobolka gabiley iyo martisharaf aad u tiro badan.

Eeebe Haw naxariisto Cheif Caaqil Cabdi Aw Cumar

 

Waxaana tacsida kadib sagaalkii subaxnimo ee maanta lagu aasay xabaalaha magaalada gabiley, aaska marxuumka oo ay kasoo qayb galeen boqolaal kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa aaska marxuumka markii iilka la dhigay ka waramay taariikhda facaweyn ee uu lahaa marxuum cheif caaqil cabdi aw cumar warsame.

alle qabriga ha u nuuro ehelada qaraabada iyo qaranka somaliland ee ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo marxuumka aaamin aamin.