Golihii Wakiiladu Ma Waxaa uu Isku Bedelay Goob Lagu Xagxagto Madaxda Qaranka.?

0

Masuuliyadii Mudanayaasha Golaha Wakiiladu Maxay Noqotay Mid Looga Faa’iidaysto Xisbi Mucaarid ah?
“Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa”

Hargeisa (HNN):- Gudida dabagalka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha wakiilada JSL, ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay kulamo la yeelanayay masuuliyiinta iyo madaxda hay’adaha Dawlada kuwaas oo ay su’aalo kala duwan ku waydiiyaan gudidan aynu kor kusoo xusnay, iyadoo bulshada intii daawatay ay aad uga yaabeen heerka aqooneed ee xildhibaanada loo xilsaaray hawshan oo aad moodo danbi baadhayaashii saldhigyada booliska oo su’aalo faro badan isku daba dhigay madaxdii ay u yeedheen, waxaana si cilmiyaysan oo aqooni ka muuqato dhammaan uga jawaabeen su’aalihii ay waydiiyeen xildhibaanadani.

Sidaas si lamid ah waxaa maanta gudidan hortagay gudoomiyaha hay’ada barakacayaasha qaranka Somaliland Mudane C/kariim Maxamed xogwaran iyo warbixin dhamaystiran oo uu ka siiyey hay’ada barakacayaasha qaranka somaliland, waxaa xubnaha gudidu ay waydiiyeen su’aalo intooda badani ka baxsanaayeen mawduuca iyo shaqada uu warbixinteeda siiyey masuulkani, xildhibaan Maxamed Abiib oo ahaa qofka su’aalaha ugu horeeya waydiiyey ayaa ku bilaabay Maxaad uga qab gashaa xafladaha iyo shirwaynaha xisbiga Muxaaafidka ah ee Kulmiye, iyo su’aal kale oo ahayd Maxaad uga Jeeday markii aad codka gudoomiyaha xisbiga waddani mudane c,raxmaan cirro ka dhex shiday madashii xafladii sanad guurada xisbiga kulmiye.?
Gudoomiye C,kariim Maxamed oo su’aalahaasi ka jawaabaya ayaa hordhigay xeerkii ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu ee ka waramayey in aaney jirin wax u diidaya gudoomiyeyaasha hay’adaha dawlada siyaasada, halka uu xeerku ka reebay agaasimeyaasha oo ah iyagu shaqaale dawladeed.

arrintaasi kama sugin xildhibaan maxamed abiib oo ay ka muuqato aqoon darrida ka haysata xeerarka iyo shuruucda dalka kaas oo inta badan warbaahinta la hor yimaada afkay adki iyo indho la’aan aanu u meel dayin wax kasta oo laga hadlayo.
Foolxumada ka muuqata qaabka shaqo ee guddidan oo si qorshaysan hadaba ugu yeedha cida ay dhibsadaan ee dhaliilaha u jeediya xisbiga waddani in ay ku xag xagtaan xafiiskan ay isku bahaysteen dhalinyartan aan lahayn waayo aragnimo iyo khibrad shaqo oo ay si asluubaysan u waraysan karaan masuuliyiinta dawlada.
Xildhibaanada ayaa ka dhigay gudidii dabagalka iyo Ilaalinta hantida qaran xafiis ay kagaga aargoostaan madaxda qaranka ee ay ku tirinayaan in uu si adag u dhaliilo xisbiga waddani oo ay badi xildhibanadi kasoo wadda baxeen.

waxaana arrintani u muuqataa haddii aanu talaabo ka qaadin shirgudoonka golaha wakiilada somaliland gudidan mid wajigeeda dhabta ahi noqonayo xafiis lagu difaaco oo xagxagta madaxda qaranka somaliland iyadoo ay gashan yihiin shaadhkii golaha wakiilada iyo kii xildhibaanimo.

Kabashada Cilmiga gaaban waa lagu kadeemaaye Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan gudidan ayaa hore waxaa si cad ugu sheegay inaanu xog badan ka haynin waxa uu waydiinayo madaxdii dawlada oo ay u yeedheen dhawaan waraysteen, sidoo kale waxaa isna maanta runta u sheegay inaaney aqoon iyo garasho uu u leeyahay waxa uu waydiinayo gudoomiyaha hay’ada barakacayaasha qaranka, isagoo markii danbe xildhibaan maxamed abiib kula kacay aflagaado qaawan oo ay kamid ahaayeen nooga bax xafiiska iyo dibjir ayaad tahay, waxaa sidoo kale isaguna dhacdadan aan wax talaabo ah ka qaadin xildhibaankan aflagaadada la garab fadhiya gudoomiyaha gudidan oo ah wiil aan isaga waxba aragti dhaamin iskuna fikir yihiin oo ah Mustafe Khayreeye, isagoo gudoomiye C,kariin dhawr jeer ka codsaday gudoomiyaha inuu kala dhex galo xildhibaankan indho la’aanta wadda ee aan fahanka ka haysan waxaa uu ka hadlaayo.

Balse arrintaa dhag jalaq uma siinin gudoomiyaha gudidan isku bedeshay siyaasiyiinta xisbiga waddani ka tirsan balse ilowsan hawshii ay bulshada somaliland bacadka ugu taagnaayeen.
Halkan Hoose Ka Daawo Dhacdadii maanta ee Gudidan iyo doodii dhexmartay Gudoomiyaha hay’ada barakacayaasha Qaranka.