Tuug Adeegsanaysa magaca shirkada TELESOM iyo Adeega lacagaha la isugu diro ee Zaad sarvices oo Qaab Budhcadnimo la isugu dhacaayo.

0

Dhacdo cajiib ah oo aan goobjoog ka ahaa:-


Aniga iyo Nin aanu Saaxiibnahay oo wada joogna ayaa waxaa soo wacay abaaro 8:00 fiidnimo telfoon numberkan nin sita 0637706768,ayaa soo wacay nin aanu saaxiibnahay hadalkiisa ugu horeeyey waxaa uu ku bilaabay ASC, saw hebel hebal mahaa waa shirkada TELESOM waxaad ka mid noqotay 10 qof ee sanadka aanu amaal marinayno siin doono, maa’daama simcard kaadhka shirkada Telesom aad haysato ama isticmaalaysay mudo ku dhawaw 20 sano bari 9:30 subanimo kaalay xarunta shirkada ee ku taal suuqa hoose waxaa lagu siin doonaa lacag maal-galin oo ilaa $2500 ah.

Ninkii aanu saaxiibkay oo la yidhaado ENG Abiib ayaa ku jawaabay waayahay waan idin iman doonaa.
Ninii budhcada ahaa ee iska gadhigayey afka shirkada ayaa suaal kale waydiiyey inankii wuxuuna yidhi “ hadii aad ganacsi yar leedahay fursad fiican ayey ku noqon lahayd oo mobilkaaga kugu jirto lacag ilaa 3,000,000 kaash shings ah ,ama $200 waxay cadayn lahayd in aad tahay nin haysta maheherad ganacsi oo shaqaynaysa, waxaana ku kordhi lahayd lacagta maalgalinta lagu siinayo, laakiin hada waxa ugu jira lacag aad u yar 70000 khaash shilngs, dolara hadhagagu waa 93 doler ee lacagtaa $200 ku shub si loo arko in Numberkaguna Transaction u sameeyo.

intaa kadib nankii aanu wada soconay ee ENG ABIIB ayaa ku jawaabay waayahay goorma ku shubaa lacagta?
Ninkii tuuga ahaa ayaa yidhi ilaa nusasaac kadiba ku shub 10 kii qof ee guulaystay ayey shirkadu caawa fiidka lacagtii amaalmiran qayb loo dirayaa adigana lacgta waxbaa ku soo dhacaya.

Itaas kadib anankii aanu saaxiba ahayn ee qolaadii budhcad soo wacay iyo aniga waxaanu is waydiinay cida la hadlaysa waxay yihiin malaha waa tuugtii ayaanu is waydiinay iyo ENG Abiib oo markii hore foojignaa ayaa yidhi haday tuugyihiin ma kolbaynu lacag u diraynaa saw mobilkeena ayey lacagta inoogu jirtaaye iyo haye ku shub lacagta mobilka.
Kadib ENG Abiib laba qof ayuu la hadlay oo midna $100 isoo dir yidhi midna $150 nusaac lacagta la soo dirayey ayey hadana laba goor soo waceen wuxuu waydiiyey $100 ayaad ku shubtay, waxakale oo wayidiiyiin qofka dumarka ee aad teleka kala hadlaysay kadibna wuxu bilaabay ninkii tuuga ahaa,ee magaca shirkada TELESOM ku hadlayey in uu dhiso kalsooni iyo aminaad (Trustship) si loo aamino cadi la hadlayaa yahay qof shirada Telsesom ka shaqeeya islamarkanaa qof dul fadhiya systema serverka shirkada oo dhaqdhaqaqa dadka lagala socdo.

ENg IBIIB oo ahaa ninka lala soo hadlayaey ayaa ugu jawaabay haa oo qofka ila hadlayey waa hooyaday waxay isoo diraysaa lacag kadibna inakii mobilkisa waxa lagu shubay$250.

markii la lacagta mobilka lagu soo shubay ayaa inankii waxaa soo garaacay ninkii tuuga ahaa,isagoo leh lacagta dolerka saraf oo kaashka u badal kaashanu kor u qaadnaa oo lagugu abaalmarinyaa.

inankii aanu saaxiibka ahayn ayaa haye yidhi oo sarifay lacagtii kaashna u badaley, intii uu lagata sarifayey ayaa loo soo diray ZAADKA FORJARIYA WAXAA KU QORANAA FARIINTA U SOO DHACDAY XARUNTA TELESOM AYAAD KA HEHASHAY $1500.
Islamarkiiba wuu ku soo celiyey telfoonka isagoo leh waa lagu soo diray lacagtii ee noo sheeg Numberaga wuuna u sheegay kadibna wuu soo wacay ninkii tuuga ahaa wuxuuna yidhi tilmaamahan raac oo telkaga waxaad taabataa *220* markuu intaa yidhi ,ayuu inakii ku yidhi taasi waa lacagtaa isoo dir ma tuugtii ayaad ahayd waar noo dhig telfoona. Kadibna ninkii budhcada ahaa ayaa ku jawaabay iska daa lacagta ayaanu kaala noqone inta uu telkii dhigaya.

NUMBERKA LAGA SOO HADALAY WAAKAAS 7706768 .
NUNBERKA NINKA LACAGTA LAGA DHACAYEYNA WAAKAAS 0634465275
Lasoco. Dhacdooyin kale oo cajiib ah oo lagu dhacay Rag iyo Dumar kale oo macaamiisha Telesom ah.

Waa Qalinkii Maxamuud Xuseen Jaamac (M.Jawhar) Suxufi madax-banaaan.