Calanka Somaliland oo laga Taagay Dalka UK & Sababta

0

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ayaa qayb-galay munaasibad Balaadhan oo lagu xusaayey maalintii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunku ( Poppy flowers) taas oo sannad kasta laga xuso dalka Ingiriiska.


Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah oo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol ayaa waxa lagu maamuusayay Geesiyadii & dalalkii ka qayb-qaatay dagaalkaasi oo ay Somaliland ku jirtay.
Goobtii Xafladaasi lagu qabtay ayaa lagu soo bandhigay Calamada wadamada ay ka soo jiideen Dagaal-yahanadii sida weyn uga qyb-qaatay Dagaalkaasi 2-aad ee Aduunka, waxana siweyn uga dhex muuqday Calanka Barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-Indho) oo mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dalka UK ayaa lagu Casuumay munaasibadaasi waxaanu Halkaas kula kulmay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Maayirka Bristol Marvin, Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac oo ah wakiilka Golaha Deegaanka ee Bristol u qaabilsan Arimaha Ganaccsiga & Maalgashiga Caalamiga, xildhibaan Darren Jones oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Iyo qaar ka mid ah dadkii wakhtigaas ka qayb-galay dagaaladii koowaad iyo labaad ee adduunka.