Gudoomiyaha Ururka Naafada Somaliland oo Fariimo u Diray Xukuumada, Komishanka Doorashooyinka.

0

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Ururka Naafada Somaliland Mudane Daahir Jaamac Diiriye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyna madaxweynaha qaranka somaliland uga mahadnaqay hirgalinta diwaangalinta doorashooyinka qaranka somaliland oo maalmaha inagu soo foolka leh inagu soo aadan.

 

Dhinaca kale Waxaa uu gudoomiyuhu ku amaanay saraakiisha komishanka doorashooyinka qaranka somaliland ee iyagu bishii ugu danbeysay ku mashquulsanaa qabsoomida shaqada culus ee diwaangalinta oo dalka guud ahaa gobolada iyo degmooyinka dalka 29 bishan ka qabsoomi doonta.

 

Sidoo kale waxaa uu fariin muhiima oo wacyigalin ah u diray bulshada naafada ah ee ku nool dalka somaliland,

 

Waxaanu ka waramay duruufaha bulshada naafada ah oo uu sheegay in dadkaasi yihiin dad ku nool badidoodu guryaha hoostooda oo u baahan gacan siin sidii ay u heli lahaayeen qaadashada kaadhka diwaanlinta codbixiyaha oo ay xaq u leeyihiin waxaanu madaxda qaranka guud iyo madaxda komishanka ka codsaday in laga qayb qaato sidii dadkaasi loogu saacidi lahaa qaadashada kaadhka.

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi oo Faahfaahsan.