Turkiga oo kor u qaaday mushaharka shaqaalaha dawladda 45% maalmo ka hor doorashada Axada.

0

Ankara(HNN):-Madaxweyne Erdogan ayaa ku dhawaaqay kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada ka dib kulan shalay ka dhacay Ankara kaas oo looga hadlay dhaqaalaha iyo xuquuqda bulshada ee shaqaalaha dawlada iyada oo loo marayo qaab-dhismeedka loogu magac daray Hab-maamuuska Heshiiska gorgortanka Wadajirka ah ee Dadweynaha.

“Waxaan kordhineynaa mushaharka 45 boqolkiiba, oo ay ku jiraan saamiga daryeelka,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan , sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga dowladda. “Sidaa darteed, waxaan kor u qaadeynaa mushaharka ugu hooseeya ee shaqaalaha dadweynaha TL15,000 [$768 bishii].”
Erdogan ayaa intaa ku daray inuu sii wadi doono ka shaqeynta sare u qaadida mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.
Sanad gudihii waa markii labaad ee la lordhiyo mushaharka shaqaalaha, waa arrin muhiim ah oo ku wajahan doorashada Axadda. Dhimista heerka ribada ee aan caadiga ahayn ee uu raadinayo Erdogan ayaa kicisay qiimo dhaca lacagta Liiraha Turkiga dabayaaqadii 2021 waxayna sicir-bararku gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee 24 sano.