Tirinta codadka Doorashada Dalka Turkiga oo Si weyn indhaha loogu hayo & Cida Hogaaminaysa.

0

Ankara(HNN):-Iyadoo ay weli socoto tirinta codadka doorashada Turkiga, natiijada codadkii laga dhiibtay saddex magaalo oo waaweyn ayaa keeni kara isbedel aan la filaneyn.

Sadexdaasi magaalo ayaa kala ah -Istanbul, Ankara iyo Izmir. Waxaa haatan la tiriyay in kabadan boqolkiiba 60 codadkii la dhiibtay guud ahaan dalka, waxaana ku horeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Balse waxaa weli dhiman tirinta codadka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Magaalada Istanbul waxaa ku nool 16 milyan oo qof halka tirada guud ee magaalooyinka caasimadda Ankara iyo Izmir ay yihiin 10 milyan oo qof.

Ilaa hadda, Izmir iyo Istanbul waxay uu muuqataa inuu ku horeeya Kemal Kilicdaroglu halka uu Ankara ku horeeyo Erdogan.