Aas-Aasaha Shirkada IHSAN Oo Bulshada u Sharaxay Adeegyada Ay Shirkadani u Qabanayso Si Tayo iyo Aqoon leh.

0

Hargeisa(HNN):-Aas-Aasaha Shirkada IHSAN CONSULTING LAW FIRM oo ah shirkad sanadihii ugu danbeeyey ka hawlgalaysay guud ahan dhulka somalida xarumaheeduna ku kala yaalaan Muqdisho Hargeisa & baydhabo ayaa bulshada u iftiimiyey adeegyada ay u qabtaan ganacsatada kala duwan ee shirkada ah iyo dhamaan hay’adaha caalamiga ahba.

Waxaan Mr C,risaaq oo ah aas-aasaha shirkadani ka warbixiyey nooca adeegyada ay u qabtaan bulshada oo ah nidaamka baadhisaha casriga ah ee hantidhawrka kuwaas oo uu sheegay inay qayb laxaad leh ka qaataan horumarka ganacsiga.