Hal-abuure Ganacsi Guuleystay Aqoonyahan Abdi Yuusuf Aar.

0

Hargeisa(HNN):- Shirkada Sagal Jet Oo kamida Shirkadaha Ganacsi ee Bixiya adeega Daabacaada Casriga ah ee somaliland ayaa ku Talaabsatay horumar bulshada qaybeheeda kala duwan ku diirsadeen, Shirkada oo 17sano jirsatay wakhtigii la aasaaasay ayaa kasoo mudh baxday guud ahaan shirkadaha gaarka loo leeyahay marka loo eego hal abuurka ganacsi ee ay dalka kusoo kordhisay iyo boqolaal qof oo kamida dhalinyarta somaliland oo ay shaqo abuur u sameysay.

 

Waxaana Maskaxda ka Danbeysay ee shirkadu halkan kusoo gaadhay hormood u ah Aqoon yahan Cabdi Yusuf Aar oo ay barbar taagan yihiin Shaqaale carbisan oo ku Tabo baran qabashada shaqo xirfad leh.

 

Doorka Muuqda ee ay shirkada Sagal jet ku Talaabsatay ayaa qodobada hirgaliyey ay kamid tahay ilaalinta iyo daryeelka shaqaale daacad ah taasina waata keentay in sanad walba marka uu dhammaado ay shirkadu u qabato shaqaale weynaha shirkada sagal jet Xaflad balaadhan oo lagu abaalmarinayo shaqaalihii dadaalka soosameeyey mudada sanadka ah.

 

Waxaana sanadkan Shaqaalaha shirkada lagu abaalmariyey shaqsiyaadkii sameeyeu dadaalka shaqo ee kasoo mudh baxay shaqalaaha.

 

Dhanka Kale arrimaha lagu Majiirtay Sanadkan ayaa Shirkada Sagal jet waxay sidoo kale Abaalmarino Gudoonsiisay Shaqsiyaad caan ah kuwaas oo aan kamid ahayn shaqaalaha shirkada Sagal jet balse ay shirkadu kusoo xulay Doorka ay bulshada kagaga jiraan iyo dadaalka ay Sameeyeen.

 

HALKAN KA DAAWO NUXURKA KHUDBAD DHINACYO BADAN TAABANAYSA OO UU AQOONYAHAN CABDI YUUUSUF AAR KA JEEDIYEY MADASHII BILEYD EE XALAY.