Guddoomiye Cirro oo la Kulmay Barlamaanka Sweden.

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan xarunta barlamaanka kula qaatay xubno ka tirsan Xildhibaanada Sweden.

Mudanayaasha Xisbiga Socail-ka ee dalka Sweden iyo guddoomiye Cirro ayaa ka wadahadlay doorashooyinka isku-sidkan ee sannadka 2021 la filaayo in ay ka dhacaan Jamhuuriyadda Somaliland.

ā€œWaxaanu ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa doorashooyinka isku-sidkan , loona koorin lahaa dimuqraadiyada Somalilandā€ ayuu ydihi

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) safar ku jooga dalka Sweden ayaa la kulmay maasuuliyiinta ugu sar sarraysa wasaaradda arrimaha dibedda dalka Sweden.

Waxaana lagaga wadahadlay kaalmada Sweden ay siiso Somaliland iyo doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanka.