Baahida Loo Qabo Buuqa & Rabshada!…W/Q/ A Cabdi Samad

0

Dadkeena meelay joogaanba waxaa ku badan muranka, buuqa, rabshadaha iyo gar aan dhammanayn.

Arrin saacad ama ka yar wax lagaga qaban karo ayaa maalmo ama bilo jiitamaysa. Mushkilad labo qof dhextaal baa labo qabiil laga dhigayaa. Dood ama dacwo ay caddahay ninka garta leh iyo kan garta daran ayaan muddo dheer la goynayn.

Dhacdo aad u sahlan oo laga indha-laaban karo ayaa la buunbuuniyaa oo la weyneeyaa ilaa la gaadhsiiyo heer halis ah oo ay gurmad u baahato.

Niman waaweyn baa wax aan sakaaro ka cabbin isla waalaya, qabiil dhan baa la soo kicin, maradaa la tuurayaa, tolbeelay iyo gumownay baa lugu tawaawacayaa, dumarka iyo maatada ayaa beenta iyo dicaayadda lugu afuufayaa!.

Kaaga darane wixii sidaa nafta la tawaa jaray Aakhirka waxay ku dhammaan xaal qaata Ama idinku xaal bixiya Ama miis miis iyo kala taga. Waxaa ka sii yaab badan ragga buuqa iyo Mushkilada abuurayey waa sii ogaayeen inay eber ku dhammaanayso!. Ee haddaa maxay ummadda ka waalayeen??.

Waxaa laga yaabaa arrinta la isku haysto in dhab ahaan isku mawqif laga yahay lkn qaar u diidaan hebel ku xumee darteed ama diidada ku muuji inaad muhiim tahay!.

Haddaad la kulantid dadkeena oo isku buuqsan, gar loo fadhiyo iyo xaalad kacsan badanaa balo ma jirto ee isdaji!!Waxaas oo dhan dad bay Shaqo u tahay oo aan ka maarmin inay Xaalad Iyo Mushkilad Abuuraan Waxa lagu tilmaami kara Ama lagu Sifayn kara(Dhib iyo Dhiilo Ku Dharag) Jiritaankoodana ay muhiim utahay, ragg baa magac iyo maamuus ku doona, ragg baa doonaya inay qabiilkooda ama Jifadooda isu tusaan niman muhiim ah oo Tolka difaacaya ama isu muujinaya inay yihiin ragg, wax diidi kara ama kuwaa danaynaya inay garta galaan oo odaynimo iyo garyaqaanimo loo Aqoonsado.
W/Q/ A Cabdi Samad