Maamulka Madaxweyne Farmaajo Oo Sas Ka Qaaday Qodobo Ay Ku Dhawaaqeen Sheikh Shariif iyo Xassan Sh Maxamuud.

0

Hadhwadaag(Banaadir):-Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta si Sharaa’id oo wada jir ah ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo shirka ka furmay Muqdisho.

Ugu horreyn Shiikh Shariif oo hadalka qaatay ayaa ka hadlay dhibaatadii laga soo maray dhisitaanka Dowladda Soomaaliya iyo ficilada ay hadda wado Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan dalka u rooneyn sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in aysan aheyn mid wanaagsan in Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto,wuxuuna sheegay in marnaba aysan ka hareyn ka hadalka waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hari doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee caaytamaya,aana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay inaysan aqbali doonin in dalkaan ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad gaar ah, dowladnimada ay tahay mid ay tahay in la is gaarsiiyo oo aan la isku koobin.

Wuxuu tilmaamay in Golaha Wasiirada aysan ka hadli karin xaqa iyo waxa ka dhacayo Soomaaliya, isagoo hadalka sii wado ayuu tilmaamay inay Soomaaliya ka jiraan laba Cadow oo kala ah Dowladda iyo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in mar kasta sababta loo caayo ay tahay inay iyaga ka hadlaan qaladaadka ay sameeneyso Dowladda.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jaraaid ka hadlay ayaa ka hadlay arrimaha Kismaayo waxana uu xusay in Shariif Sheekh Axmed uu safarkiisii Kismaayo ahaa mid lagu doonayay in lagu dhagaysto tabashada Jubbaland iyo shacabkeeda.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay isku koobtay siyaasadda Dalka.

“Haddii dowlad goboleed xil ka banaanaado waxa ay u dirtaa wasiir taageersan xilalka kalena waxa ay u dirtaa dowladu shaqaalaha xafiisyadooda.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu soo dhamaaday kulan maalintii Labaad Muqdisho uga socday madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliyeed oo Maanta looga hadlayey Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

Tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga celiyay in uu u duulo Magalada Kismaayo,waxaa uu kulamo siyaasadeed ka waday Magalada muqdisho, isaga oo dhaliil badan u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.