Deg-Deg-Tirada Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee Xabsiga La Dhigay oo Maraya Xoghayihii Guud ee Xisbiga Iyo Afhayeenkii.

0

Hargeisa(Hadhwadaagnews):-Ciidamada booliska somaliland ayaa hadda xabsiga isna xoghayihii guud ee xisbiga Waddani khadar Cabdi sidoo kale waxaa isna saacad ka hor ciidamadu xabsiga dhigeeen afhayeen xisbiga waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo sidoo kale gabadh ka tirsaneyd xisbiga waddani, Xaalada siyaasadeed ee u dhaxaysa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Xukuumada somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne biixi ayaa marba marka ka danbaysa cirka isku sii shareeraysa,

Iyadoo Ilaa Hadda Wararku Sheegayaa in Ciidamo Xoogan wali gacanta ku hayaan xaruntii guud ee xisbiga waddani, halka masuuliyiin ka tirsan xisbigaasina xabsiga la dhigay.

La Soco Wixii Warar ah ee kasoo Kordha.