War Deg-Deg-Afhayeenkii Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Oo Hadda Xabsiga Loo Taxaabay.

0

Hargeisa(HNN):-Waxaa Hadda Waxyar uu ka Hor Ciidamada booliska Somaliland Xabsiga u Taxaabeen Afhayeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad jaamac Batuun kasdib markii uu  isna caawa fiidkii la hadlay warbaahinta kasoo oo uu xukuumada ugu baaqay inay ciidmado soo dhoobtay xaruntii xisbiga waddani ee gudoomiyaha xisbigaasi shaaciyey in shacabka gobolka maroodijeex maalinta barrito ah isugu soo baxaan.

Xadhiga Afhayeen Xisbiga waddani ayaa ka danbeeyey kadib markii caawa fiidkii uu weedho kulkul ku ganay xukuumada madaxweyne biixi iyo sidoo kale maayirka caasimada hargeisa c.raxmaan soltelco oo uu sheegay inuu abaabulay dhalinyar maalinta barriya dagaal kala hortagta taageerayashaa xisbiga waddani.

Ma Cadda ilaa hadda halka lagu xidhay iyo saldhiga la geeyey balse waxaa warar hadda nasoo gaadhay xaqiijiyeen in xabsiga loo taxaabay afhayeennkii xisbiga waddani.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadu Qabteen kadib markii uu dhamaystay shirka jaraaid ee uu qabtay caawa xili uu dhexmarayey gudaha caasimadaha haregeisa.

Ma jiro ilaa hadda war rasmiya oo kasoo baxay laamaha Amaanka Somaliland.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha.