War Deg-Dega-Maleeshiyaadka Alshabaab Oo Wali Gacanta Ku Haya Hotelka SYL.

0

Hargeisa(HNN):-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli haysta qaybo ka mid ah hoteelka SYL ee magaalada Muqdishu oo ay galeen caawa fiidkii.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhso. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in la dhaawacay.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu VOA u sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Waxa uu sheegay taliyuhu in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa u sheegay idaacadda VOA in weerarku lagu bartilmaameedsaday hoteelka SYL.

Xildhibaan ayaa sheegay in dad ay ciidamada amnigu kasoo badbaadiyeen hoteelka.

Dhinaca kalena goobjoogayala kale ayaa sheegaya in malleeshiyaadka Al-Shabaab ay galeen hoteelka, isla markaana hoteelka gudihiisa laga maqlay rasaas culus.

Hoteelka ayaa ku yaalla meel u dhyow madaxtooyada. Hoteelka ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Weerarka maanta waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab waxayna sheegteen inuu ku aadan yahay huteelka SYL.