Maxay ka Wadahadleen Ra’iisal-wasaare Khayre & Waftiga Somaliland ee Muqdisho Ku Kulmay?

0

Muqdisho(HNN):- Masuuliyiin, Wax-garad iyo Culimo ka socda Somaliland, ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa Federaalka Soomaaliya, waxaanay ka wadahadleen qodobbo kooban.

GUDDIGA TAAKULAYNTA BALADWEYNE EE SOMALILAND IYO RAYSAL-WASAARE KHAYRE MUQDISHO 2019

GUDDIGA TAAKULAYNTA BALADWEYNE EE SOMALILAND IYO RAYSAL-WASAARE KHAYRE MUQDISHO 2019

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Ali Khaire ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland una  yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Xubnaha guddiga Gurmadka fatahaadaha Wabiyada dalka ee Somaliland ayaa Muqdisho keenay, lacag gaareysa 600’000$ Lix boqol oo kun oo Doolarka Mareykanka ah, taasi oo ay walaalaha Somaliland uga qeyb qaadanayeen, Taakulada walaalaha ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay qeybo ka mida gobolada ay Wabiyaddu maraan.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga uga mahad celiyay, Isxilqaanka walaalnimo ee ay u sameeyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Somaliland ku ammaanay damqashada ay u muujiyeen walaalohooda Baladweyne.

Sidoo kale, Warkaas oo Muuqaal ah, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-