Xukuumadda Somaliland Qabatay Koontiinar Daawo Dhacday Ah Oo Uu Nin Ajaanib Ahi Dalka Soo Gelinaayay

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qabatay koontiinr daawo dhacday ah oo la soo gelinayay dalka.

Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay istaageen dawooyinkii ka iman jiray Muqdisho ee Somaliland ka soo gali jiray dhanka madaarka, kadib markii ay xukuumadu ku bilowday baadhis adag.

Waxa uu gudoomiyahu sheegay inay qabteen koonteendhar daawo dhacday oo madaarka laga soo galinayay dalka, sida oo kalena ay dabagal joogto ah ku hayaan warshadaha dalka iyo alaabtooda sidii ay u noqon lahayd mid tayo leh, waxaanu sidan ka sheegay kulan ay ugu yeedheen gudida joogtada ee golaha guurtida“ Waxa jiri jirtay  dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray  iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan 90% dawooyinkaasi waa ay istaageen  waliba madaarka ayay ka soo gali jireen, waxa kale oo aan awooda saarnay ilaalinta tayada alaabta dalka  lagu sameeyo, waxaanu samaynaa baadhis aan ku samayno warshadaha  iyaga oo si joogto ah oo qoshaysan oo aanay warshaduu ka war hayn imaatinkayaga,markaanu tagayno warshadaana waxaanu leenahay heer lagu baadho waxyaabaha aanu eegno wax ka mid ah shaqaalaha,nadaafada meesha tayada alaabta ay isticmaalayaan.”

Waxa uu sheegay guddoomiyaha haayada tayadu inay qabteen koontiindhar daawo ah oo dhacay “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo.”