Maxay warbaahinta Soomaalidu u turjuntay Khudbadii anfarriirka badnayd ee Donald Trump?

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Sida xiisaha u leedahay xaalada cakiran ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan, kaddib dilkii Gen. Qaasim Sulaiman, ayaa dadka ka shaqeeya qalabka warbaahintu bulshada caalamka ugu gudbinayaan ogaanshiyaha dhacdooyinka marba soo kordha.

Mid kamida hadalladii ugu xiisaha badnaa todobaadkan ayaa ahaa khudbadii Madaxweynaha Maraykanku jeediyey gelinkii dambe ee maalintii Arbacada, taasoo uu kaga hadlay weerarkii ay Iiraan ku duqaysay saldhigyada dalkiisu ku leeyahay Ciraaq.

Madaxweyne Trump, ayaa hadalkaasi ku sheegay in aan wax khasaare nafeed ahi ka soo gaadhin ciidamadiisa weerarkaas.

Mid kamida Boggaga muuqaallada lagu baahiyo ee Soomaalidu leedahay ayaa turjumay khudbadaasi dhamaanteed, isla markaana baahiyey.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Tehran ayaa dhankeeda sheegtay in ay duqeynta Saldhigyada Maraykanka dhirbaaxo kulul ugu geysatay cadowgeeda maraykanka.

Hogaamiyaha sare ee dalkaas oo isla maalintaas la hadlay dadweyne ayaa yidhi “dhirbaaxo ayaanu wejiga kaga dhufanay”.