Ballantii Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Wali Shacabka Somaliland & Beesha Caalamku U Dheg-Taagayaan.

0

“Shacabka Somaliland iyo Wadamada Beesha Caalamka Oo Wali U Dheg-Taagaya Go’aan Kasoo Baxa Xukuumada Madaxweyne Biixi”.

Hadhwadaag(Hargeisa):-Shacabka Somaliland ayaa Maalmihii ugu danbeeyey si xoogan ugu dheg taagaya go’aan kasoo baxa xukuumada madaxweyne biixi ee ku aadan arrimaha doorashooyin dalka qabsooma oo labadii sano ee ugu danbeeyey uu hadheeyey Muran iyo ismaandhaaf u dhaxeeyey xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland.

Balantii ay hore u wada Qaateen Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Ayaa ku beegnayd Tobankii bishan iyadoo ay maalintii shalay madaxweynaha Kulan wada qaateen Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, kaas oo safar shaqo ugu yimid balantii ahayd in tobanka bisha go’aan laga gaadho doorasho dalka ka dhacda, waxaana sidoo kale ergayga qaramada midoobay kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland, kaas oo madaxweynaha lagu adkeeyey in go’aan xal Waara keena uu sida ugu dhakhsaha badan usoo saaro.

Waxaana Wararku Sheegayaaan in uu jiro guux Ka abuurmay kala Dirista Xubnihii hore loogu soo xulay Komishanka doorashooyinka qaranka ee iyagu Sababta u ahaa qaarkood muranka u dhexeeyey xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidka somaliland.

Shacabka Somaliland iyo Wadamada Beesha caalamka ee Ka taageera somaliland arrimaha Doorashooyinka ayaa ugu dheg taagaya go’aanka laga sugayo Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland oo la rajaynayo inuu fuliyo go’aamadii ay hore u wada gaadheen Xisbiyada Mucaaridka iyo go’aankii ay soosaareen Gudidii Ganacsatada ahayd ee isku xilqaamay dhexdhexaadinta Muranka ka taagnaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaana si dhow loola socodaa Talaabada uu qaado madaxweyne Biixi ee Salka u Noqondoonta Soo afjarida arrimahii doorashooyinka dalka Inay uga Qabsoomaan Si khilaaf la’aan iyo Turxaan la’aan ah.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews

Hadhwadaagnews@gmail.com