Prof Cabdi Cali Oo Si Maldahan Falaadho ugu Ganay Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Prof Cabdi Cali Jaamac oo kamida Shaqsiyaadka aad u falanqeeya siyaasada arrimaha somaliland iyo dhacdooyinka ka dhaca dalka ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facebook waxaa uu si maldahan fariin ugu Diray Ganacsade Cabdi  Yuusuf Aar Oo ah masuulka ugu Sareeya Shirkada Daabacaada ee Sagal Jet.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka Prof Abdi Ali Jama.

Cid ma Magacaabayo, Laakiin Dusha Aan ka Wado, si ay inoo fahmaan innagoo u tudhayna!!!

Afeef: ha reerayn sheekada; reerka oo dhan adiga iyo laba saddex mooyee cid kale oo awoodda ka ag dhaw ma jirto, dadka kale ayay ula siman yihiin!!!

Marka adeegga aad bixiso lacagta dawladda ee ummadda ka dhaxaysa si hagar la’aan ah wax lagaaga iibsado/dalbado; marka xataa iyada oo aanay daruuri ahayn marmarsiiyaha ugu yar lagaaga dalbanayo intaasoo adeeg ah, ee lagu odhanayo soo samee; marka wasiir kasta iyo masuul kastaa ku ogyahay in aad ka ag dhawdahay awoodda, ee uu isagu kula hor cararayo ee uu ku odhanayo annagana noo soo samee, lacagtana si dhaqso ah aad u helayso, ileyn darkii baa laguu fadhiyaaye; dawladdu ninkay u cammirto ee u gacal miisto nin Economist ah uun baa garanayee waa iibsadaha ugu wayn, beeb xaawisi inoo soo galay halkaana waa la hubaa, degdena weelku u buuxsami!!. Ma aha musuqu kaliya lacag toos loo qaato uun!!

Haddaba, haddii ay sidaasi dhacdayba, waxa qoraalkan igu kallifay, dee dadka ka xishood oo dhoolatus ka ha dhaafin xadkiisa, ummadan ha isku soo jeedin; hadda waa iga talo; in macquul ah uun ka dhig dabaaldegga!!; ha noo sheegin in aad shaqaysatay waxan oo xoolo ah, ileyn salli baynu ku wada fadhinaaye. Haa meeshu way jirtay, oo dafiri mayno; waanay dhici kartaa in business sidan oo kale u koro muddo kooban iyadoo aaanay dawladdu gacan qaban; laakiin tan waa la ogyahay in iyadoo xataa aan loo baahnayn la idin ka dalbado, ama marmarsiiyaha ugu yar la raadiyo si qiil loogu helo in lacag badan lagu gato adeegiina; maan sheegin hay’adaha samafalka iyo ganacsatada idiin habranaysa, ileyn awooddi ayaad ka ag dhawdihiine!!

Dhinaca kale, bal ka warran muwaadinka sidaa lidkeeda dawladdu ku samayso ee la target gareeyo badeecaddiisa ama adeeggiisa, ka warran dhaawaca so gaadhaya iyo khasaaraha ku iman kara!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga!!

 

 

Hadhwadaagnews 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews@gmail.com