Jabuuti oo Lagu Helay inay Tallaabo Sharci Darro ah Ka Qaadday DP World.

0

Hadhwadaaag(Washinton):-Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa mar kale ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamadda caalamiga ah ee London ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

Khabiir madax bannaan ayaa khasaraaha magdhowga laga siin karo DP World ku qiyaasay lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Garsooreyaasha go’aankan soo saaray ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Jabuuti ayaa xilligaas sheegtay in ay burburisay heshiiskii la kala saxiixday ayna dhammaan hantida dekeddaas noqotay mid ay dowladda leedahay.

Xukunkan ugu dambeeyay ayaa noqday kii lixaad ee ay DP World uga guuleysato dowladda Jabuuti, tan iyo markii dacwaddaas loo gudbiyay maxkamadda sare ee uu fadhigeedu yahay magaalada London.

Hase ahaatee, ilaa hadda, Jabuuti waxay dhagaha ka fureysatay dhammaan go’aannada kasoo baxay maxkamaddaas, iyadoo la ogyahay in heshiiska hore iyo qandaraaskaba ay ku saleysnaayeen sharciga Ingiriiska.

Dekedda Doraleh ee ay DP World ka dhistay Jabuuti ayaa sameysay shaqo abuurista ugu weyn ee dalkaas, waxayna noqotay isha uu Jabuuti kasoo galo dhaqaalaha ugu badan, sanad kasta oo ka dambeeyay xilligii la furay.

Qandaraaskii ay labada dhinac galeen markii ugu horreysay wuxuu ahaa in DP World ay gacanta ku heyso maamulka dekedda Doraleh.

.DP WORLD

Mas’uuliyiinta Shirkaddan dekedaha maalgalisa ayaa hadda sugaya jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamadda soo saartay.

Haddii markan wax jawaab ah laga waayo jabuuti, garsoorka waxay sheegeen inay guda gali doonaan sidii loo sharciyeyn lahaa lacagta magdhowga ah ee la siinayo DP World.

Xagey gaarsiisan tahay awoodda DP World?

DP World waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee ka shaqeeya maal-galinta iyo dhismaha dekedaha iyo dhismeyaasha laga sameeyo gudaha badda iyo barriga.

Waxay ka howl-gashaa ilaa 78 xarumood oo isugu jira dekedaha ka dhisan barriga iyo badda, kuwaasoo hoos taga ilaa 50 ganacsi oo ay DP World ku leedahay in ka badan 40 waddan oo ku kala yaalla lix qaaradood.

Shirkaddan oo dhaqaale badan kasoo xareysa suuqyada kala duwan ayaa xiriir aad u wanaagsan la leh dowladaha caalamka, kuwaasoo ay kala shaqeyso sidii ay u xoojin lahayd ganacsiyadeeda, iyadoo u maalgalisa kaabayaasha dhaqaalaha.

.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii June, 2018, wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Balse waxa uu intaas ku daray: “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la’isku ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay”.

 

Hadhwadaagnews@gmail.com