Nuxurka Kulan Galabta Dhexmaray Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Iyo Safiirka Somaliland iyo Somalia.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah Ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa Galabta kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Ben Fend.

Nuxurka Kulankan Ayaa Ku Qotomay Arrimaha Doorashooyinka somaliland oo Muran Xoogani Sanadkii ugu danbeeyey aad u hadheeyey iyadoo ilaa hadda aaney jirin Xal waara oo laga gaadhay Muranka ka dhashay arrimaha komishanka oo dhawaan ay soo jeediyeen gudi hore u dhexdhexaadisay dhinaca xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka somaliland in la Kala diro Xubnaha cusub ee komishankan kii hore usoo shaqeeyeyna dib loosoo celiyo islamarkaana sidaa doorasho lagu qabto

Kulankan Ayaa kusoo beegmaya Xili ay maanta Kulan kan lamid ah wada qaateen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka dawlada ingiriiska ka socoday,

Waxaana Arintani ka danbeysay in Ay Dalka Yimaadaan Daneeyayaasha Qaranka Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinku yimaaadan dalka markii dhanka Xukuumada somaliland aaney Xal Waara oo lagu Soo afjarayo xalinta khilaafkaad doorashooyinka kasoo saarin taa badelkeedana uu madaxweynuhu sheegay Inaanu Kala diri karin Xubnaha Komishanka Imika Jooga ee Dhawaan Lasoo Xulay Taas oo Shacabka Somaliland ku Abuurtay jaahwareer siyaasadeed iyo Muran u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada.

 

Hadhwadaagnews

Hargeisa Somaliland 

Hadhwadaagnews@gmail.com