Midowga Afrika oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Kenya

0

Hadhawadaag(Nairobi):-Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa mdaxda Soomaaliya iyo Kenya ku bogaadiyay wada xaajoodka ay ka yeesheen soo celinta xiriirka Labada Dowladood.

Bayaan Maalin ka hor kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ee Magaalada Addis ababa ayaa lagu bogaadiyay horumarka labada dhinac ay ka gaareen qaboojinta xiisadda, wuxuuna usoo jeediyay in la dhiirri geliyo wada xaajoodyada nabadda.

Moussa Faki Mahamat, ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Kenya in ay  inay dib usoo celiyaan xiriirkooda saaxibtinimo iyo midka Diplomaasiyadeed ee Labada Dowladood.

Haddalka Guddoomiyaha midowga Africa ayaa imaanaya Maalin kadib markii ay Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay khadka Talefanka ku wada hadleen, ayagoo ku ballamay in waxa jira loo saaro guddi farsamo .