Dadka caanka ah ee uu ilaa hadda ku dhacay Caabuqa Corona

0

Hadhwadaag(London):-Tan iyo markii uu caalamka ku fiday Caabuqa cusub ee Corona, inkastoo uu soo ritay dad badan oo rayid ah, haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ku dhacay dad caan ah iyo madax ka tirsan dowlado.

Qaar ka mid ah madaxda caalamka, ayaa loo soo jeediyay inay iska baaraan Caabuqa ama ay karantiil iskood ah galaan.

Waddanka Iiraan ayey mas’uuliyiinta ugu badan ku qaadeen Corona, halka qaarna lagu soo warramay inayba u geeriyoodeen.

Ilaa 7 mas’uul oo u dhashay waddankaas ayaa lasoo tabiyay inuu gaaray cudurka, halka wadaad caan ahna uu u geeriyooday.

Dalka Mareykankana, shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo hal siyaasi oo xisbiga Dimuqraaddiga ah ayaa iskood isku karantiilay kaddib markii ay dareemeen inay halis ugu jiraan Caabuqa.

Siyaasiyiintan oo qaarkood ay yihiin kuwa ugu caansan xisbiga talada haya ee Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay la kulmay qof uu ku dhacay Corona.

Madaxweyne Donald Trump iyo ku xogeenkiisa, oo qudhooda goob joog ka ahaa shirkaas ayaa diiday inay iska baaraan cudurka ama ay is karabtiilaan.

Haddaba maxaan ka ognahay dadka magaca leh oo ilaa hadda la xaqiijiyay in laga helay Caabuqa Corona?

Wasiirka Caafimaadka ee UK – Nadine Dorries

.
Nadine Dorries waxay ka mid tahay dadka uu ku dhacay Caabuqa Corona

UK waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula tacaalayan Caabuqan kusii fidaya dunida daafaheeda.

Ilaa 382 ruux ayuu cudurkan kula dhacay gudaha UK, halka 6 qof oo kalena ay ilaa hadda ugu geeriyoodeen dalkaas gudihiisa.

Dadka uu Caabuqa haleeyay waxaa ka mid ah haweeneysa Wasiirka Caafimaadka ka ah UK, Nadine Dorries.

Ms Dorries ayaa sheegtay inay si iskeed ah isugu karantiileysay gurigeeda.

Xildhibaannadda xisbiga Shaqaalaha, Rachael Maskell ayaa iyadana sheegtay in lagu amray inay gurigeeda isku karantiisho, maadaama ay la kulantay Ms Dorries.

Wasaaradda Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Ms Dorries markii ugu horreysay calaamadaha Caabuqa lagu arkay maalintii Khamiista.

Isla maalintaas waxay ka qeyb gashay shir uu marti galiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne kuxigeenka Iiraan – Masoumeh Ebtekar

.
Masoumeh Ebtekar, waa madaxweyne ku xigeenka Iiraan

Madaxda Iiraan ee uu ku dhacay Caabuqa Corona waxaa ka mid ah Masoumeh Ebtekar, oo ah madaxweyne ku xigeenka arrimaha haweenka u qaabilsan madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Rowxaani.

Masoumeh Ebtekar, oo sidoo kale ah haweeneyda xilka ugu sarreeya ka heysa dalka Iiraan ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay ku xigeenkeeda.

Waxaa lagu amray inay gurigeeda iska joogto, si iskeed ah isku karantiisho.

Waxay ahayd sarkaalkii 7-aad oo reer Iiraan ah oo uu Caabuqa haleelay.

Iiraan waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Corona, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii ugu horreysay ee uu kasoo billowday.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Iiraan – Iraj Harirchi

Iraj Harirchi mopped his brow at a news conference before testing positive for coronavirus disease.

Iraj Harirchi wuxuu ka mid yahay madaxda reer Iiraan ee laga helay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19.

Ninkan ayaa lagu eedeynayay inuu ka mid ahaa saraakiisha dalkaas ee isku dayeysay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee uu haleelay cudurka.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay wasiir ku xigeenka oo indhaha iyo wajiga ku tirtinaya istiraasho, taasoo la aaminsan yahay inay ka mid tahay calaamadaha Coronavirus.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”.

Waaxda caddaaladda ee Iiraan ayaa amartay in si ku meel gaar ah xabsiyada looga sii daayo maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000 oo ruux, si loo yareeyo fiditaanka cudurka.

Tirada guud ee maxaabiista ku xiran gudaha Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 189,500 oo qof.

Milkiilaha kooxaha Nottingham Forest iyo Olympiakos – Evangelos Marinakis

.sawirkaBBC SPORT Evangelos Marinakis, waa milkiilaha kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos

Dadka kale ee caanka ah ee laga helay Corona waxaa ka mid ah ganacsadaha leh kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos, Evangelos Marinakis

Marinakis, oo 52 jir ah, ayaa ka qeyb galay kulan ay Jimcadii kooxdiisa Nottingham Forest la ciyaareysay kooxda Millwall.

“Mr Marinakis waxaa laga helay cudurka kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha Caabuqa, xilli uu kasoo laabtay waddanka Giriigga”, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxdiisa Forest.

Marinakis ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa Instagram-ka ugu shaaciyay inuu ku dhacay Caabuqa.