Qaabka Uu Jidhka Qofku Isaga Difaaci karo Caabuqa Corona Virus Oo La Shaaciyey.

0

London(Hadhwadaag):-Seynisyahanno ku sugan dalka Australia ayaa sharraxaad buuxda ka bixiyay qaabka uu difaaca jirka ula dagaallamayo cudurka Covid-19 ee loo yaqaanno Coronavirus.

Cilmi baaristooda, oo Talaadadii lagu daabacay wargeyska Nature Medicine journal, ayaa muujineysa in dadka ay uga caafimaadayaan Caabuqa Corona isla sida ay uga reystaan hargabka.

Ilaa afar qeybood oo ka mid ah unugyada difaaca jirka ayey sheegeen in ay durbadiiba u howl galaan inay la dagaallamaan Caabuqa, isla markii uu jirka soo galaba.

Khubarada ayaa sheegay in howshan ay sidoo kale gacan ka geysan karto in si dhakhso ah loo helo tallaalka cudurkan.

Guud ahaan dunida, waxaa la xaqiijiyay in Caabuqan uu ku dhacay isku darka 160,000 oo ruux, waxaana u dhigtay qiyaastii 6,500 oo qof tan iyo markii uu dillaacay.

“Xogtan shaaca laga qaaday waa muhiim, sababtoo ah waa markii ugu horreysay ee aan fahmeyno habka uu difaaca jirkeennu ula dagaallamayo Fayraskan,” sidaas waxaa tiri Prof Katherine Kedzierska, oo ka mid ah seynisyahannada wax ka qoray cilmi baaristan.

Cilmi baaristan oo lagu sameeyay xarunta Peter Doherty ee magaalada Melbourne ayaa waxaa si weyn u ammaanay khubarada kale, mid ka mid ahna wuxuuba ku tilmaamay “mid neefta kasoo fulisay dadka”.

Maxaa la ogaaday?

.PETER DOHERTY INSTITUTE FOR INFECTION AND IMMUNITY
Caabuqa cusub ee corona ayaa markii ugu horreysay kasoo billowday Shiinaha

Dad fara badan ayaa ka reystay Covid-19, taasoo micnaheedu tahay in horayba loo sii ogaa inuu difaaca jirka ku guuleysan karo dagaalka ka dhanka ah Fayraska Corona.

Laakiin markii ugu horreysay, daraasaddan waxaa si toos ah loogu ogaaday afar qeybood oo ka mid ah unugyada difaaca qofka oo diyaar u noqonaya dagaalka Covid-19.

Waxay Seynisyahannadu arrintan ku ogaadeen iyagoo dabagal ku sameynaya qof bukaan ah oo uu cudurkan ku dhacay, kaasoo xanuunno kale aan horay usii qabin.

Qofkaas waa haweeney 47 jir ah oo ka timid magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, waxayna tagtay isbitaal ku yaalla Australia.

Waxay Caabuqa uga reysatay 14 maalmood gudahood.

Prof Kedzierska ayaa BBC-da u sheegtay in kooxdeeda ay baaritaan ku sameeyeen “dhammaan unugyada difaaca” ee bukaankan.

Saddex maalmood ka hor inta aysan haweeneydan billaabin inay soo reysato, waxaa la arkay unugyo gaar ah oo shaqo ka dhex wada hab qulqulka dhiiggeeda.

Kuwaas ayaa la ogaaday in howsha u ku guda jireen ay ahayd la dagaallanka Caabuqan, sida ay sheegtay Prof Kedzierska.

Researcher at a German pharmaceutical company demonstrates workflow testing for Covid-19 research.Lahaanshaha sawirka EPA

“Aad baan ugu faraxsan nahay natiijadan – iyo xaqiiqda ah inaan ugugyadaas aqoonsannay inta ay ku jireen dagaalka ka dhanka ah cudurka ku dhacay bukaanka,” ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da.

In ka badan toban seynisyahan ayaa muddo afar isbuuc ah u shaqeynayay 24 saacadood, si ay daraasaddan muhiimka ah usoo saaraan.

Maxay arrintan naga caawin kartaa?

In la ogaado goorta ay unugyada difaaca jirka u istaagayaan la dagaallanka cudurka waxay naga caawineysaa in la ogaado qaabka uu caabuqan u shaqeeyo”, ayuu yiri Prof Bruce Thompson, oo ah seynisyahan ka tirsan Jaamacada Swinburne University of Technology.

“Marka aad ogaatid qaababka kala duwan ee ay jawaabta jirka u dhacdo, waxaad saadaalin kartaa xilliga aad ka reysaneysid Caabuqa,” ayuu yiri Prof Thompson, oo la hadlayay BBC-da.

Wasiirka Caafimaadka ee Australia Greg Hunt ayaa sheegay in cilmibaaristan natiijadeeda ay gacan ka geysan karto in si dhakhso ah loo soo saaro tallaal lagula tacaalo Caabuqan.

 

Source BBC.