Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya oo digniin soo saartay.

0

Addisababa(HNN):-Qoraal ay soo saartey safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa looga digey falal ajaanib naceyb ah oo ay dadka qaar ku eedeynayaan shisheeyaha dalkaas in ay wadaan ama ay keeneen xanuunka Coronavirus.

Qoraalkan ayaa lagu sheegey in dadka qaar lagu weerarey erayo Shiinaha ka dhan ah, waxaana ay xanuunkan la xiriirinayaan shisheeyaha in ay keeneen dalkaas.

Safaaradu waxay sheegtey in la soo wariyey in dhowr qof loogu geystey xadgudub iyo aflagaado magaalada Addis Ababa.

Safaarada Mareykanka ayaa uga digtey dhamaan ajaanibta ku nool dalkaas in ay taxadaraan kana fogaaadaan in ay kaligood socdaan ama magaalada maraan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili Ethiopia laga heley dhow qof oo qaba xanuunka Coronavirus.

Xanuunkan ayaa dabayaaqadii 2019 ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, waxaana hadda uu ku faafay inta badan dalalka dunida, ayada oo uu haleelay in ka badan 200,000 oo qof.