Mid Ka Mida Asaasayaashii Alshabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Bay.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqayntii 2-dii bishan April 2020 ka dhacday degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay soo saartay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis oo ay ku tilmaameen inuu ka mid ahaa aasaasyaasha kooxda Alshabaab, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Yuusuf Jiis oo aanay wax badan ka qorin saxaafadda ayaa lagu sheegay inuu ahaa madaxa xisbada (Booliska) Alshabaab oo ka mida qeybaha ugu waaweyn ee Alshabaab u qeybsan tahay, waxaana lagu tirin jiray dadka xilliga dheer Shabaabka ku jiray.

Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.