Dr Gaboose: “Haygu Tumin Durbaanada Iyo Daasadaha Madhan”Siyaasi Cali Gurey.

0

ANIGA WAXAY ILA TAHAY IN DR GABOOSE IYO COLKIISA UU XAALKOODU YAHAY HABAR FADHIDA LEGDINI WAX UGA FUDUD”SIYAASI CALI GURAY.

Geerida Iyo Noloshaba Waxa Haya Allaha wayn ee waaxidka ah Oo Keliya Mana Jirto Cid Kale Oo Loo Nisbayn Karaa;

يحي و يميت وهو على كل شيءٍ قدير.

Dr Gaboose iyo wadaadada wahaabiyiinta ee iyagu xaaraantimeeya jaadka Waan ku raacayaa in jaadka la joojiyo xiligan laakiin anigu ma hayo mana ogi cid iyadu haysa qorshe dhamaystiran oo meelmar ah oo gebi ahaanba lagaga joojin karo Jaadku in uu soo galo Somaliland. Hadaba Dr gaboose iyo colkiisa iyo inta jaadka la colka ah waa fursade hadii iyagu ay leeyihiin wuu jiraa oo anaga ayaa hayna ee dawladdu ha qaadato weliba anaga ayaa fulintiisa ka masuul noqonayna waa wax wanaagsan ee dawladdu ha aqbasho xilkana iyagu qaadaan oo ha loo magacaabo Guddida La Dagaalanka Jaadka (GLDJ) weliba Dr Gaboose ha looga dhigo gudoomiye, si aanay dheg jaad ahi xuduudaha Somaliland u soo gelin, muddo bil ilaa sadex bilood ahna ha lagu eego bal iyaga iyo Jaadka ka adkaada iyo ka laga adkaado. Awoodda ay u baahan yihiin oo dhan marka gacanta loo geliyo hadii ay Jaadka ka adkaadaan oo uu joogsado waa sidii la doonayay oo guddida wadaaddada wahaabitiintu waxay taariikhda ku geli doonaan kuwii ugu horeeyay ee ku guulaystay inay ka adkaadaan Jaadka tan iyo xiligii uu ku fashilay maamulkii maxamiyadda Somaliland ee Boqortooyadii Ingiriisku.

Waxa ka dambeeyay oo isaguna ku fashilay Dawladdii Kacaanka ee ka awoodda badnayd tan taagta yar ee Somaliland. Aniga waxay ila tahay in Dr Gaboose iyo colkiisa uu xaalkoodu yahay habar fadhida legdini wax uga fudud, hadii kale ha soo dhigaan qorshaha ay hayaan ee lagu joojin karo Jaadka kolay anigu ma ogi Dawladda Somalilandna u malaynmaayo in ay hayso eh.

Waxa la sheegay in Shirkadaha ugu waawayn ee Jaadka keenaa ay dawladda u xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin in haddii dawladdu go’aan ka soo saarto ay dhamaantood joojin doonaan. Laakiin way ogyihiin dawladdana way u xaqiijiyeen in taa natiijadeedu aanay noqon doonin in Somaliland aanu jaaad soo geli doonin ee uu sidii u soo geli doono isaga oo kootarbaan ah oo aan wax cashuur ah laga bixin meel kasta oo xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ahna ka soo geli doono.

Anigu waxan qabaa xiligan sida keliya ee jaadka lagu joojin karaa ay tahay in geedkiisa aan laga soo jarin ee iskaga yaalo. Taasina maaha wax ku xidhan awoodda Somaliland. Markaa bal wahaabiyiin oo dhami ha isku tagaan oo ha soo dhigaan qorshaha ay iyagu jeligood hayaan ee hortood jireba waayay.

Wahaabiyiinta dunidoo dhan baa ogaatay in ay cilmigaab yihiin ama waxan odhan karaa way Alleh-garasho yaryihiin hamigooda iyo inta cilmigoodu gaadhaaba wuxu ku kooban yahay adoonyo oo waa niman xukun iyo lacag u waashaye tollow maantana ma COVID-19 buu ka galayاللهم لا تجعل الدنيا اكبر همنا ولا مبلغ علمنا

COVID-19 Ilaahay baanu ka magangalay oo naga badbaadin intii Ilaahay sabab uga soo dhigay cid aan ahayn oo ku dhimanaysaana ma jirto. Markaa Ilaahay baa noo sahli oo ma noqon doonto Somaliland sida Yurub iyo Maraykane waxan Dr Gaboose leeyahay ma dido eh hargoolow haygu ruimin durbaanada iyo daasadaha madhan