Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Isku Bedel iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Qaar Kamida Maamuleyaasha Kastamada Dalka.

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Wasiirka Wasaarada Maaliyada somaliland Sacad Cali Shire ayaa xilka qaadis iyo badal ku sameeyay Maamulayaashii kastamada berbera iyo kalabaydh.

Wasiirka maaliyada ayaa xilkii ka qaaday maamulihii Kastamka Berbera Cabdiraxmaan cirro iyo Maamule ku xigeenkii Maxamed Ismaaciil Orgabsaynle iyo madaxii hubinta ee kastamka berbera isagoo masuuliiyiin Cusubna U magacaabay Maamulka Kastamka Berbera ,Maamule kuxigeenka iyo madaxii hubintaba.

Sidoo kale wasiir sacad Ayaa badal ku sameeyay maamulihii kastamka kalabaydh Maxamed Habane Oo uu U magacaabay Maamulaha Kastamka Berbera Halka Uu Maamule Kuxigeenka cusubna iyo madaxaha hubintana umagacaabay kastamka berbera wasiirka maaliyadu.

Dhanka kale  wasiirka maaliyada ayaa maamulaha kastamka kalabaydh  U macabaay masuul katirsanaa waaxda cashuuraha bariga Ee Wasaarada maaliyada oo lagu magacaabo cawaale in uu noqdo maamulaha kastamka kalabaydh.

Arrinta magacaabista iyo xilka qaadiska kastamka berbera ayaa ku soo beegmaysa xili kastamka berbera lagu qabtay dhawaan koontinar Mobile ah oo lagu cashuuray sonkor ahaan taasi oo Baadhitaankeedu socday islamarkaana  falka musuq maasuq ee ka Dhacay kastamka berbera lala xidhiidhinayay masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada maaliyadu in ay qayb ka yihiin taasi oo Wasiirka wasaarada maaliyadu sidii uu hore warbaahinta uga Sheegay Talaabo laga qaadi doono cida ay gasho silsilada Musuq Maasuq ee dhacday kastamka berbera,balse hada uu xilka qaadista maamulkii kastamka berbera kusoo koobay balan qaadkiisii  ahaa in wax laga qaban doono cidkasta oo ay gasho dhacdada  musuqmaasuq ee kastamka berberi.

Talaabada uu wasiirka maaliyadu ku badalay masuuliyiintii kastamka berbera ayaa u muuqata mid lagu dambabasayo xaqiiqada rasmiga ee falkii ka dhacay kastamka taasi oo wakhtigan u loo macneyn karo in wasiir sacad cali shire oo lagu Tilmaamo in aanu wax saamaynta ah ku lahayn hawlaha ka socda wasaarada maaliyadu aanu si toosa banaanka usoo dhigin masuuliyiinta ku Lugta lahaa Musuqmaasuqan dhacay ee ka sareeya maamulka kastamka berbera.

wallow wasiir sacad  Warbaahinta u xaqiijiyey in Falalkan musuqmaasuq ee ka dhacay kastamka magaalada berbera aanu ahayn kii ugu horeeyey ee ka dhaca balse uu yahay mid qorshihii lagu lunsanayey uu fashilmay, ayaa cadeeyey in Sharciga ay horkeeni doonaan Cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi musuqmaasuq,

Iswaydiinta La Xidhiidha arrintan ayaa ah Dawo ma u noqon doontaa isku bedelka iyo xil ka qaadista uu Wasiir Sacad Cali Shire ku sameeyey maamulkii kastamka berbera, iyo kalabaydh falkan musuqmaasuq ee fashilmay iyadoo xadiga lacagta qaranka laga lunsanayey ku dhowdahay Haaf milyan dollar.

Wararka Laga helayo Magaalada berbera ayaa Tibaaxay Inaaney Ilaa iyo Hadda jirin Cid ama qof qudhaata oo wali Loo Xidhay Arrintan Musuqmaasuq ee Dhacay, taa badelkeedana xilalka laga qaaday qaar kamida masuuliyiintii kastamka berbera, 

Qaar Kamida Saraakiisha Wasaarada maaliyada oo aanu ka warasanayn sababaha aan ilaa hadda hal qofna loogu xidhin falkii musuqmaasuq ee dhacay ayaa ku macneeyey in haddii ay timaado in cid loo xidhaa ay soo baxayaan masuuliyiin ka sareysa kuwan oo iyaguna ku lug yeelanaya falkan fashilmay.

 

 

Hargeisa Somaliland