Alshabaab oo Sheegatay Dilkii Gool-hayihii hore ee Qaranka & Eed yaab leh oo ay u Khaarajisay.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Alshabaab ayaa sheegatay dilkii xalay loo geystay Guddoomiyihii Isboortiga degmada Afgooye iyo Goolhayihii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Alshabaab, laguna baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Alsahbaab ay Afgooye ku dileen C/weli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ahaa madaxii Ciyaaraha degmada Afgooye, iyadoo ku eedeysay inuu ahaa mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee gacan saarka la leh dowladda Itoobiya, sida lagu yiri bayaanka Alshabaab.

Marxuum C/weli Qanyare ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana xalay lagu dhex dilay Masjid ku yaalla degmada Afgooye xilli uu ku jiray salaadii taraawiixda.

Alshabaab ayaa hore u dishay dad fara badan oo shacab ah, iyadoo kasoo saartay warar yaab leh oo ku saabsan inay ka tirsanaayeen NISA iyo Maamul Goboleedyo.