Wasiir Goodax oo Bulshada Magaalada Beledweyne ku bogaadiyey inay isku tashadeen. May 8, 2020.

0

Beleweyne(Hadhwadaag):-Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa Bulshada magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku bogaadiyey inay isku tashadaan.

Wasiirka oo soo qaatay, baraha bulshadana ku faafiyey wareysigii uu bixiyay Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cusmaan Dhagaxow oo sheegay inaysan soo gaarin lacagtii sanadkii hore dowladda Soomaaliya ugu yaboohday fatahaadii B/weyne iyo inaysan wax kaalmo ah ka geysan howsha biyo xireenka ee ka socota magaalada, wuxuuna yiri:.

“Waxaan bogaadinayaa aadna ugu faraxsanahay in bulshada Beledweyne ay ku taaba qaadeen mabda’a ISKU-TASHIGA si ay fatahaadaha uga difaacaan naftooda iyo hantidooda. Waxaan bulshada Belet-weyn u rajaynayaa guul, Isku-tashi iyo in talada Alla saartaan” ayuu yiri Wasiir Goodax oo aan soo hadal qaadin eedeynta loo jeediyey dowladda uu ka tirsan yahay.