Maraykanka oo Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday Inay Joojiso Xadgudyada Loo Gaystay Saxafiyiinta.

0

Muqdisho(Hadhwadaag):-Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dowladda federaalka iyo shacabka ugu baaqday inay Ogolaadaan oo ay dhiiri-geliyaan in si daah-furnaan leh loo weriyo saameynta cudurka COVID-19, si loo fududeeyo dadaallada muhiimka ah ee lagu ilaalinayo laguna joogteynayo caafimaadka iyo fayoqabaka shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa Hogaamiyayaasha Qaranka inay si xooggan ugu ololeeyaan, u difaacaan, u taageeraan, islamarkaana u ilaaliyaan Xuquuqda suxufiyiinta iyo shacabka ay u leeyihiin inay helaan akhbaaraadka ku saabsan safmarka COVID-19, iyo horumarada kale ee muhiimka ah ee amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Safaaradda.

“Waxaan sidoo kale ka fileynaa hogaamiyayaasha Soomaalida ee heer qaran iyo heer gobol inay taageeraan werin sax ah oo aan lagu sameyn faro-gelin ama hanjabaad rabsho ama xabis.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xoriyadda saxaafadda ay u qiimeyso inay muhiim u tahay dowladnimada dimqoraadiga ah.

“Bulshooyinka dimqoraadiga ma ahan kuwa dhameystiran, balse waa lala xisaabtami karaa, islamarkaana aragti is-weydaasriga ayaa aas-aas u ah dowladnimo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda Mareykanka waxay sheegtay in saxaafadda ay kaalin muhiim ah ka cayaarto war-gelinta iyo waxbarista muwaadiniinta, islamarkaana ay ku amaaneyso suxufiyiinta kaalinta muhiimka ah ee ay cayaaraan.

“Mareykanka waxa uu ku garab taagan yahay muwaadiniinta iyo suxufiyiinta Soomaaliya difaacista xuquuqda xoriyadda saxaafadda iyo tan hadalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waa waajibka dowladaha, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Soomaaliya, iyo dhammaan muwaadniinta caalamka inay u hadlaan taageeridda warbaahinta, ilaalintooda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka cayaaraan bulshooyinka furfuran.”