Amisom: Ciidanka Itoobiya ayaa soo riday diyaaraddii African Airways.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxa uu warbixin horudhac ah ka soo saaray diyaaraddii maalintii Isniinta lagu soo riday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxaa hubka lidka diyaaradaha ku soo riday Ciidanka Militariga Itoobiya, xilli ay dawo u waday degmadaasi.

Warbixinta Amisom ayaa waxaa lagu sheegay in marka hore aanay ciidankaasi qayb ka ahayn Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (Amisom).

Sida warbixinta lagu sheegay Ciidanka Itoobiya waxaa ay ka shakiyeen diyaaradaasi, marka koobaad iyaga oo aan ka warqabin amaba lagu soo wargelin imaanshaheeda iyo diyaaradda oo jiho khaldan ka timid.

Taliska Amisom ayaa qoraalka ku cadeeyay in lix qof oo diyaaradda saarnaa ay dhammaantood ku dhinteen shilkaasi, isla-markaana ay u kala dhasheen dalalka Somaliya iyo Kenya.

Marka laga soo taggo warka ka soo baxay Taliska Amisom ayaa waxaa jira ilo amni oo sheegaya inaanay wax digniin ah haba yaraatee Ciidanka Itoobiya siinin diyaaradaasi.

Diyaaradda oo shixnad dawo ahayd ka qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa loo waday dadka reer Bardaale, si lagula tacaalo xaaladaha Coronavirus.