Xubno Shabaab oo laga sii daayay Saldhiga Booliska ee Dhuusamareeb.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Taliyihii Booliska ee Degmada Dhuusamareeb, Dhamme, Burhaan Axmad Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay.

Taliyaha oo xilka loo magacaabay 20-kii bishii February ee sanadkan ayaa sheegay in laga hor istaagay in waajibaadkiisa qaran uu guto.

Taliyaha ayaa tilmaamay in siyaabooyin kala duwan Saldhiga Dhuusamareeb looga sii daayay saddex nin, ka dib markii ay macluumaadkoodu helayn, soona xireen.

Taliyaha ayaa xusay in uu caqabad kala kulmay maamulka, mudadii uu xilka haayay, taasoo ay ugu horeyso laba nin oo ay soo xireen 24-kii bishii March, si aan sharci ahayna looga sii daayay saldhiga.

Sidoo kale nin kale oo ay soo xireen 29-kii bishii April ayuu tibaaxay in saldhiga laga sii daayay, mar uu ka maqnaa. Kaasoo sida uu sheegay loo gudbiyay Magaalada Cadaado, isagoo aan waxba kala socon.

Taliye Burhaan ayaa intaasi ka dib sheegay inuu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu 20-kii bishii February u soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), haddii aanu u madaxbannaanayn shaqadiisa.

Warka ka soo yeeray Taliye Burhaan ayaa weji gabax ku noqonaya Maamulka Galmudug, ee uu Madaxweynuhu ka yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Muddo laba iyo toban sano waxay Magaalada Dhuusamareeb ahayd mid ay ka caagan yihiin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, ka dib markii lagu jebiyay dagaalo adag oo ay kula galeen Xoogagii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Saraakiisha Ciidamadu waxay sheegaan intii Ahlu Sunna ay ka arrimineysay Magaalooyinka Caabudwaaq, Xeraale, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, ay Shabaabka ku adkeyd inay foodda soo geliyaan magaalooyinkaasi.