Alshabaab oo Qaaday Tallaabo Aan La Fileyn, Guddina u Magacowday La-Socodka Coronavirus.

0

Muqdisho(HNN):-Alshabaab ayaa qaaday tallaabo aan la fileyn, kadib markii Bayaan ay soo saartay ay ku magacowday Guddi u qaabilsan la-socodka xaaladda Cudurka Coronavirus.

Alshabaab oo dhowr mar Cudurka Covid-19 ku sheegtay inuu yahay Cudur Gaallada loogu talogalay, balse markii danbe Afhayeenkooda Sheekh Cali Dheere oo shaaciyey in cudurka yahay ciqaab xag Alle ka timid oo Muslim iyo Gaal ku wada dhaceysa ayaa hadda tallaabo kale hore u qaaday, waxaana Bayaanka ay soo saartay Xarakada lagu sheegay inay arrintan Coronavirus ka shireen Xafiiskeeda siyaasadda iyo maamullada Alshabaab ee Gobollada ay ka taliso.

“Arrinka cudurka Corona waxaa kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidii.. iyadoo laga duulayo mas’uuliyada ka saaran Wilaayaatka Islaamiga ah ilaalinta badqabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa la magacaabay Guddiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaatka Islaamiga ah. Guddigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culimo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray in ay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad wuxuuna shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Alshabaab.

Maamullada Gobollada Alshabaab ayaa la faray inay gudigaas la shaqeeyaan, una fududeeyaan wixii hawlo ah oo ay uga baahdaan.

 

Muqdisho Somalia

Hadhwadaag News Network